4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 4 , 2019
Labo Nin oo u eg madaxweynayaal caan ka ah dunida oo dadka ka yaabsaday

 

Isniin, Feberaayo, 04, 2019 (HOL)- Labadan nin lagama garanayo madaxweyenaha Philiphine,Rodrigo Duterte iyo hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un, aad ayay ugu egyihiin muqaal ahaan iyo socodba, waxaa lagu arkay labadan nin waddooyinka magaalada Hong Kong ee dalka Shiinaha iyagoo sawirro isla galaya oo wada fadhiyo maqaaxi ku taalla halkaasi.

Dadkii ku dhawaa labadan nin ayaa sheegay in ay iska dhigayeen labada madaxweyne balse aysan aheyn hoggaamiyeyaasha dalalkaasi.

 

Waxaana lagu kala magacaaba Cresencio Extrem waa ninka u eg (Duterte) iyo Howard X oo u eg hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi (Mr Kim).

Lama kala garanayo labadan Nin iyo madaxweynayaasha dalalka Kooriyada Waqooyi iyo Philiphine, taasoo keentay in wajiyadooda ay soo jiitaan dad badan oo qaarkood bilaabay markii ay arkeen in ay sawirro la galaan.

 

 

Gaar ahaan Howard X oo ah Ninka u eg madaxweynaha Kooriyada Waqooyi ayaa la leeyahay dhinaca socodka waxba kama duwana Kim Jong-un.

Sawirka dadka soo jiitay ayaa ahaa iyaga oo wada cunaya hilib digaag gacmahana is dhaafsanaya, dadka qaar ayaaba u qaatay in ay yihiin madaxweynayaasha Kooriyada Waqooyi iyo Philiphine, laakiin xaqiiqdu waxey tahay in labada Nin aysan aheyn madaxweynayaal.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]