4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 4 , 2019
Taliska ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo sheegay in ay qaadayaan dagaal ka dhan ah Al-shabaab

 

Isniin, Feberaayo, 04, 2019 (HOL)- Taliska ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa ku dhawaaqay mar kale dagaal ka dhan ah Ururka Al-shabaab oo sanadkan looga xoreynayo deegaannada ay ka maamulaan dalka.

Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Gen Daahir Aadan Cilmi Indhoqarshe ayaa ku dhawaaqay howlgal ballaaran oo dhawaan ka bilaaban doona guud ahaan Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in ay furi doonaan wadooyinka ay go’doomiyeen Al-shabaab, islamarkaana uu qorshuhu yahay in dhammaan Al-Shabaab laga saaro gobolada dalka.

Taliska ciidamadaxoogga dalka Soomaaliyeed ayaa horay dhowr jeer ugu dhawaaqay howlgallo Al-shabaab looga saarayo gobolada dalka, mana jirto ilaa iyo hadda tilaabo ay qaadeen oo dhaqan-gashay.

Al-shabaab ayaa gacanta ku haya oo maamulo deegaanno dhowr ah oo ku yaala Koonfurta iyo Bartaha Soomaaliya, iyaga oo dhinaca kalana go’doomin ku haya dhulka ay maamusho dowladda oo ay adag tahay in leysaga gudbo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]