4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 3 , 2019
Somaliland oo sheegtay in milyan iyo shan boqol oo qof ay qarka u saaran yihiin macaluul

 

Axad, Febraayo, 03, 2019(HOL)-Gudoomiyaha Hay’adda ka hortaga aafooyinka dabiiciga ah iyo kaydka Raashinka qaranka Mr:Faysal Cali Sheekh ayaa sheegay in milyan iyo shan boqol oo qof ay u baahan yihiin gargaar bani’aadanimo oo degdeg ah.

Shacabkan gargaarka u baahan ayuu ku sheegay gudoomiyuhu in ay iskugu jiraan xaaladdo kala duwan, waxaanay dadkaasi ku baahsan yihiin dhamaan goboladda oo dhan, waxaanu beesha caalamka ugu baaqay gurmad degdeg ah oo dadkaasi lala gaadho.

Gudoomiye Faysal Cali Sheekh oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Guud ahaan dalka somaliland sanadkan waxa u baahan mucaawinooyin dad gaadhaya 1,5 88, 2 50 ( hal milyan, shanboqol iyo sideed iyo sideetankun laba boqol iyo konton qof) kuwaas oo iskugu jira xaalado bilaw ah, mid dhexdhexaad ah iyo xaalado degdeg ah kuwaas oo ku nool gobolada somaliland oo dhan.”

“Waxaanu ka codsanaynaa dhamaan hay’addaha caalamiga ah, kuwa qaramada midoobay, dawlada somaliland iyo shacabka somalilandba in wixii ay dadkaas u qaban karaan ay qabtaan, baaqana maanta ayaanu soo saarnay anaga oo u qaybinay hay’addaha caalamiga ah oo dhan, waana wakhti ku tala gal iyo diyaar garaw ah iyada oo meelaha qaar ay ka jiraan biyo la,aan iyo caws la,aan waxaana jira dhulal badan oo laysku guur guurayo kuwaas oo xaga bariga u badan, waxa kale oo jira dhulal badan oo colaaduhu saameeyeen kuwaas oo ay ka mid yihiin Koonfurta Sool, Tukaraq, Ceel Afweyn iyo dhulka xeebaha oo khasaare ka soo gaadhay duufaantii ku dhufatay bishii May ee sanadkii hore.”ayuu yidhi.

Sidoo kale, gudoomiye Faysal wuxuu sheegay inuu hoos u dhac ku yimid dallaggii ka soo baxayey beeraha oo abaarta dhacday sababtay in heerkii laga sugayey inay beeraha ka soo go’aan yaraaday.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.