4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 3 , 2019
Guddoomiyaha Xisbiga Tallada haya ee dowlad deegaanka Soomaalida oo Jigjiga gaaray

 

Axad,Feberaayo, 03m 2019 (HOL)-Wararka ka imaanaya magaalada Jigjiga ayaa sheegaya in Guddoomiyaha xisbiga talada degaanka haya Axmed Shide uu maanta soo gaadhay magaalada Jigjiga, isagoo lagusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Garaad Wiil-Waal  Airport.

Axmed Side ayaa waxaa garoonka kusoo dhaweeyay madaxda u  saraysa degaanka oo uu horkacayo Madaxwaynaha DDS Mustafe cagjar iyo  masuuliyiin kale oo dawladda degaanka kamid ah, iyo waliba odayaal  dhaqameedka degaanka.

Haddaba  Axmed Shide guddoomiyaha XDSHSI ayaa lafilayaa in maanta galinka dambe  kulamo la qaato madaxda dowladda deegaanka Soomaalida iyo odayaasha  degaanka.

Degaanka ayaa  muddooyinkii dambe waxaa hadheeyey khilaaf u dhaxeeyay Mustafe Cagjar  iyo Axmed shide, waxaana imaanshiyahan maanta uu soo afjarayaa  khilaafkii muddooyinkii dambe u dhaxeeyey M/weynaha DDS Mustafe Cagjar  iyo Guddoomiyaha Xisbiga talada degaanka haya ee XDSHSI.