4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 3 , 2019
Madaxweyne Waare oo walaac ka muujiyay ka bixintaan qeyb ka mid ah ciidamada Burundi ee ka howlgala Soomaaliya

 

Axad, Feberayo, 03,2019 (HOL)-Madaxweynaha maamul gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa walaac ka muujiyay ka bixintaanka qeyb ka mid ah  ciidamada Burundi ee Soomaaliya.

Madaxweyne Waare oo la kulmay Madaxa howlgalka AMISOM ee Soomaaliya Francisco Madeira iyo saraakiil kale oo ka tirsanaa AMISOM ayaa u sheegay in ay  tahay arrin aan la gaarin xilligeeda, ayna tahay mid aad u xanuun badan  in ciidamada Burundi  laga saaro dalka saaro.

Waxaa uu sheegay in tallaabadaa dalka looga saarayo ciidamada Burundi abuuri karto khalkhal nabad-galyo gaar ahaan deegaannada Hirshabeelle.

“Waan idin kaga mahad celineynaa mudanayaal, marti gelinteenna halkan ee maanta, si aan uga doodno qorshahan kala guurka ah, waxaa ay ila tahay qorshahan kala guurka ah ugu dambeyntii waa dhab,laakiin waxaa jira go’aanno xanuun badan ,wali waxaa dhiman howlo badan oo ay tahay in la qabto, waxaanse idin ballan qaadayaa in Hirshabeelle ay sameyn doonto waxkasta oo ay awoodda oo ay tahay in la sameeyo, taas oo la xiriirta in kaliya qorshaha kala guurka la hirgeliyo ee sidoo kale aanan luminin guulahii hore aan u gaarnay” ayuu yiri Waare.

Midowga Africa ayaa qorsheynaya in 28-ka bishan  dalka looga saaro 1,000 askari oo ka mid ah Ciidamada Burundi, taasoo  qeyb ka ah qorshaha lagu dhimayo Ciidamada AMISOM.

 C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]