4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 3 , 2019
Ra'iisal wasaare Kheyre oo la kulmay qaar ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed

 

Axad,Feberaayo, 03, 2019 (HOL)-Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xassan Cali Khayre, ayaa xalay kulan xog-waraysi ah la qaatay ganacsatada Soomaaliyeed.

Kulanka ra’iisul wasaaruhu la yeeshay ganacsatada oo uu  goob joog ka ahaa wasiirka ganacsiga, ayaa looga hadlay muhiimmadda u  diyaar garoowga sidii ay ganacsatadu ula jaan qaadi lahaayeen  maalgashiga shirkadaha caalamiga ah ee dalka ku soo wajahan, kadib  xaqiijinta himilooyinka Tubta Hurumarinta dhaqaalaha.

“Ganacsatadeennu waxa ay ku soo shaqeeyeen xilli adag, sidaa darteed waxaa mas’uuliyadi naga saaran tahay ilaalinta ganacsigooda. Xukuumaddu waxa ay diyaarineysaa dhammaan sharciyada damaanad qaadaya hor-tebinta shirkadaha waddaniga ah”, ayuu yiri ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre.

 

Dawladda Soomaaliya ayaa muhiimad gaar ah siinaysa  horumarinta ganacsiga iyo kobcinta dhaqaalaha, si taa looga dhabeeyana  dawladdu waxa ay horay u qaaday tallaabooyin muhiim u ah oo ay kamid  tahay dar-dar gelinta shaqooyinka tubta horumarinta dhaqaalaha.

Himilooyinka Tubta Horumarinta dhaqaalaha hal-beegyada ugu waawayn waxaa kamid ah ka guul gaaridda qorshaha dayn cafinta taas oo fudayn karta kobac dhaqaale oo ballaaran iyo maal-gashi shisheeye, oo ay ka abuurmayaan fursado shaqo.

 C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]