4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 3 , 2019
Mareykanka oo duqeyn ku dilay 13 dagaalyahan oo ka tirsan Ururka Al-shabaab

 

Axad, Feberaayo, 03, 2019 (HOL)- Qoraal ka soo baxay Taliska ciidamada Mareykanka ee Africom ayaa lagu sheegay in duqeyn diyaaradahooda dagaalka ka fuliyeen gobolka Shabeellaha hoose ku dileen dagaalyahanno ka tirsan Ururka Al-shabaab.

Gaar ahaan duqeyntan oo ka dhacday deegaanka Gendarshe ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa ayuu sheegay Mareykanku in ay ku dileen 13 dagaalyahan oo ka tirsan Ururka Al-shabaab.

“Dowladda Mareykanka waxaa ka go’an sii wadista beegsiga Al-shabaab si ay uga hor tagaan dhibaatooyinka ay shacabka ku hayaan,iyadoo sidoo kale mar walba la xaqiijinayo in aan khasaare dhimasho iyo dhaawacba soo gaarin dadka rayidka ah” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay taliska Mareykanka.

Dowladda Mareykanka ayaa sii kordhisay duqeymaha ay ku beegsanayaan xoogagga Ururka Al-shabaab ee ka dagaalama gudaha dalka Soomaaliya, lamana oga in ay jiraan khasaare dadka rayidka ah ka soo gaara duqeymahan , wallow Mareykanku mar walba sheego in uusan jirin khasaare dad rayidka ah ka soo gaaray duqeymaha ay fuliyaan.

 

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]