Al-shabaab oo xalay weeraray degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose
Axad, Feberaayo, 03, 2019
(HOL)- Wararka naga soo gaaraya degmada
Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in Ururka Al-shabaab xalay
saqdii dhexe weerar ku qaadeen qeybo ka mid ah degmada.
Dadka degmada oo warbaahinta la hadlay ayaa
sheegay in xalay saqdii dhexe ku soo tooseen dhawaqa rasaas xoogan oo ay is weydaarsanayeen
ciidamada dowladda Soomaaliya iyo xoogga weerarka soo qaaday.
Gudoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose Maxamed
Ibraahim Barre ayaa warbaahinta u
sheegay ciidamada dowladda siweyn isaga caabiyeen weerarka lagu soo qaaday,
waxaana uu intaa ku darray in uusan jirin wax khasaare ah oo ka dhashay
dagaalka.
Laakiin dad ku sugan degmada Afgooye ayaa sheegaya in dagaalku sababay khasaare
isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray labada dhinac.
Afgooye ayaa marar badan oo hore waxaa sidan oo kale weerar ugu soo qaaday
dagaalyahanno ka tirsan Ururka Al-shabaab, waana halka ugu badan oo ay ka dhacaan
weerarrada toos ah gobolka Shabeellaha hoose.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]