4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 2 , 2019
Duqeyn mar kale lagu beegsaday Al-shabaab gobolka Hiiraan

 

Sabti, Feberaayo, 02, 2019 (HOL)- Sida lagu baahiyay warbaahinta dowladda Soomaaliya diyaarado dagaal ayaa mar kale duqeyn ka geystay qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan oo saldhig u ah xoogag ka tirsan Ururka Al-shabaab.

Duqeyntan ayaa gaar ahaan ka dhacday inta  deegaanada Boq-Goosaar iyo Burdhe ee dhaca galbeedka magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Dad ku nool tuulooyin aagaas ku dhow ayaa sheegaya iney maqleen qaraxyo waaweyn oo ka dhashay gantaalaha lagu duqeeyey saldhiga Al-Shabaab

Al-Shabaab ayaa la sheegay in duqeyntan loogu geystay khasaare xoogan inkastoo aan la heynin faahfaahinta waxyeelada ka dhalatay weerarkan u dambeeyey.

Maalmo ka hor ayey aheyd markii sidan oo kale dayuurad uu maraykanku leeyahay ay gantaalo ku weerartay saldhig ay Al-shabaab ku laheyd degaanka Luuq-Jeelow oo 25-km u jira magaalada Beled-weyne.

Wali ma jiro wax ah oo ka soo baxay dhinaca Al-shabaab ama taliska Mareykanka Africom oo sheegtay duqeyntii dhawaan lagu weeraray deegaan ka tirsan gobolka Hiiraan oo taliska Mareykanku sheegay in lagu dilay 24 dagaalyahan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]