4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 2 , 2019
Qarax ka dhacay degmada Baardheere

Sabti, Feberaayo, 02, 2019 (HOL)– Weerar ismaadaamin ah ayaa ka dhacay degmada Baardheere ee gobolka Gedo,sida laga soo xigtay saraakiisha deegaanka.

Wararka ayaa sheegaya in gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa lala eegtay bar-koontarool oo ay ku sugnaayeen ciidanka Itoobiya ,waxa ay wararku inta ku darayaan in weerarka uu dhaliyay khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh.

Saraakiil ka tirsan ciidammada ammaanka Baardheere ayaa sheegay in qaraxa laga hortagay, isla markaana gaariga aanu gaarin halka bartilmaameedka ahaa, iyagoo inta ku daray inay hayeen xogta qaraxa ismiidaaminta, waxaana la sheegay inta aanu is qarxin ay ciidammada joojiyeen, laguna qasbay inuu soo dego, balse uu is qarxiyay.

Koox al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyada weerarka, waxaana war lagu baahiyay warbaahinta taageerta lagu sheegay in weerarka lagu dilay tiro ciidanka Itoobiya ee ku sugan Baardheere.

Wuxuu ku soo aadday weerarka,maalmo kaddib markii hoggaanka ciidanka AMISOM uu la wareegay sarkaal Itoobiyan ah.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]