4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 2 , 2019
Puntland: Dhaqdhaqaaq ciidan oo ka socda deegaannada ay ku dagaallameen Al-Shabaab iyo Daacish

Sabti, Feberaayo, 02, 2019 (HOL)– Dhaqdhaqaaq ciidan ayaa ka socda deegaannada buuraleyda ah ee gobolka Bari, halkaas oo maalmihii u dambeeyay ay ku dagaallameen al-Shabaab iyo Daacish.

Wararka laga helay dadka deegaanka ayaa sheegaya in tan iyo galinkii dambe ee shalay uusan jirin wax dagaal ah oo dhex maray dagaallamayaasha ka kala tirsan Daacish iyo al-Shabaab ee ku dagaallamaya deegaanno ku dhow Ceelka Miiraale iyo deegaanada kale ee Buuraleyda Golis.

Wararka ayaa inta ku daray in ciidan ka tirsan kuwa amniga Puntland oo ka baxay magaalada Boosaaso ay ku sii jeedan deegaannada lagu dagaallamay,iyadoo meelaha qaar ay isaga barakaceen dadka shacabka ah.

Toddobaadyadii u dambeeyay waxaa dhulka buuraleyda ah ee Golis iyo Calmadow ka taagna xiisad u dhaxeysa al-Shabaab iyo Daacish, waxaana muddooyinkii u dambeeyay dagaalo goos goos ku dhex marayay deegaanada qaar.

Kooxahan ayaa isku haya awoodda Buuraha gobolka Bari, waxaana la sheegayaa in dagaalladii u dambeeyay ee dhex maray uu sababay dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray labada dhinac.

Hay'adaha ammaanka ee Puntland ma jirto warbixin ka soo  baxday oo looga hadlay xiisada u dhaxeysa Daacish iyo al-Shabaab ee ku taagan dhulka buuraha ah,balse waxaa soo baxaya digniino ku aadday is-haysiga labada koox.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]