4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 2 , 2019
Ra'iisul wasaare Khayre oo xalay kormeerey qaar kamid ah degmooyinka Muqdisho

Sabti, Feberaayo, 02, 2019 (HOL)–  Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre oo ay wehliyeen mas’uuliyiin kale ayaa xalay kormeer ku sameeyey qaar kamid ah degmooyinka magaalada Muqdisho, isagoo kulamo xog wareysi ah la yeeshey qeybaha bulshada.

Ujeedka kormeerka Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa la xiriiray u kuur-galka xaaladaha ammaan ee degmooyinka iyo tan guud ee bulshada kunool degmooyinka, si uu u ogaado xaaladda dhabta ah oo ay ku nool yihiin iyo adeegyada ay helaan.

Goobaha uu tagay waxaa kamid ah degmada Hilwaa, wuxuuna ra’iiusl wasaaraha Soomaaliya oo kulamo kala duwan la yeelanayay intii uu ku guda jiray kormeerkiisa qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan xaafadaha, isagoo ka dhageysanayay warbixino ku aadan hadii ay jiraan tabashooyin iyo talooyin dalka lagu horumarin karo oo ay la wadaagayeen ra’iiusl Wasaare Khayre.

Dadka uu la kulmay waxaa kamid ahaa odayaasha Dhaqanka iyo dhalinyarada oo xiligaasi ku caweynayay xaafadaha, kuwaasi oo ku ammaanay ra’iisul wasaaraha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre sida uu fursadda u siiyay bulshada in uu talooyinka uu ka dhageysto, taasi oo ay ku tilmaameen guul la taaban karo.

Sidoo kale ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa kormeerey qaar kamid ah xarumaha caafimaad ee ku yaalla goobihii uu tagay, isagoo warbixin ku aadan adeegyada caafimaad oo uu bulshada ka helaan ka dhageysanayay maamulada xarumahaasi.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]