Mustafe Cagjar: Waan soo afjarnay caqabadihii siyaasadeed ee ka jiray dowlad deegaanka Soomaalida
Sabti, Feberaayo, 02, 2019 (HOL)– Madaxweynaha
ku-meel-gaarka ah ee dowlad deegaanka Soomaalida dalka Itoobiya Mustafe Maxamuud Cagjar
oo dib ugu laabtay magaalada Jigjiga ayaa faah faahin ka bixiyay khilaafkii
siyaasadeed ee waayadii ugu danbeeyay ka jira deegaanka iyo ugu danbeyntii in
la soo afjaray.
''Tan iyo wixii ka danbeeyay markii maamulkan cusub la yagleelay waxaa soo noq noqnayay cabaqabado sababay in nidaamku sidii la rabay uusan u socon, kala aragti duwanaasho la xiriirta dib sidii xisbiga loogu yagleelo lahaa baa jirtay, taasoo keentay in saxaafaddo siyaabo kala duwan uga hadasho, arrimahaa ayaa keenay in aan Addis Ababa tago, dhamaanba wixii qaladaad ah ee jirayna waan isku soo afgaranay oo waa la xaliyay'' ayuu yiri Mustafe Cagjar.
Wuxuu sheegay in arintaa ay ka faa'ideysteen shacabkad isku xiran oo ka tirsanaa
maamulkii hore ee uu madaxweynaha ka ahaa Cabdi Maxamuud Cumar oo dacwado iyo
eedeymo aan jirin u ka faafiyay mas’uuliyiinta deegaanka.
‘’Dabcan khilaafka iyo rabashadihii ka dhacay
deegaanka gaar ahaan magaalada Jigjiga waxaa horseed u ahaa oo ka danbeeyay
shabakad isku xiran oo ka hartay maamulkii uu hore uu madaxweynaha ka ahaa
Cabdi Maxamuud Cumar, oo hay’adda Amniga iyo xafiisyada ilaa heer federaal ka
waday dacwado ka dhan ah mas’uuliyiinta cusub ee degaanka, iyaga oo ka baqaya
oo diidan ayuu yiri in lagula xisaabtamo dacadiyadii ay u geysteen shacabka ku
dhaqan deegaanka’’
Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay in
kooxdan shabakada ah ee isku xiran mar walba dhibsanayeen in la hergaliyo wax
yaabaha ay dalbanayaan Shacabka ah ee Soomaalinimada, ku dhaqanka Diinta, Xoojinta
halganka iyo ka hortaga Dulmiga oo ah ayuu yiri dhamaan wax –yaabaha ay
doonayaan shacabka deegaanka.
‘’Waxaan ugu bishaareynayaan bulshada ku dhaqan
dowlad deegaanka in ugu danbeyntii isku dayadii noocaas ah oo dhan si buuxda looga
adkaaday oo la soo afjaray, wixii hadda ka danbeeyana shacabku uu filiyo
isbadal dhab ah oo mid Amniga, siyaasadeed iyo hormarineedba leh uu deegaanka
ka hergalayo’’ ayuu hadalkiisa sii raaciyay.
Maalmihii ugu danbeeyayba dowlad deegaanka
Soomaalida waxaa ka jira khilaaf siyaasadeed oo ragaadiyay dhamaanba howlihii
maamulka, iyadoo dhinaca kalana magaalada Jigjiga ay ka dhaceen rabashado ay
dad ku dhinteen oo sababay in magaalada lagu soo rogo Bandow lagu xadidayo
dhaqdhaqaaqa dadka.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]