4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 2 , 2019
Dowladda Soomaaliya oo soo dhameystiraysa adeegyada Boostada ee dalka

 

Sabti, Feberaayo, 02, 2019 (HOL)– Wasiirka Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta xukuumadda Soomaalya Eng. Cabdi Canshuur Xasan ayaa sheegay in sanadkaan bilaawga ah ee 2019’ka ay soo dhameysiri doonan dhamaan adeegyada Boostada ee dalka.

Wasiir ayaa sheegay in deymo badan oo dhanka Boostada ah lagau leeyahay dowladda Soomaaliya ugu horeyna ay ku dedaali doonaan sidii deymahaasi ay u gudi lahayeen amaba lagaga cafin lahaa intaasi dabadeedna ay xooga saari doonaan dhameystirka adeegyada Boostada ee dalka.

Waxa uu sheegay in ay u qorsheysantahay in isla sanadkaan ay soo dhameysitiraan adeegyada Boostada dalka oo uu sheegay in meel wanaagsan ay iminka u marayso.

Wasaarradda ayaa fartayy maamulada Shirkadaha Isgaarsiinta ee dalka in ay si deg deg ah isu soo diiwaan geliyay, si loo siiyo Ruqsada ay dalkan uga shaqeyn lahaayeen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]