Taliska AMISOM oo ka arinsanaya qorshaha ka bixitaanka Soomaaliya
Talaado, Feberaayo,
12, 2019 (HOL)- Taliska ciidamada
howlgalka midowga Africa AMISOM ayaa magaaalada Muqdisho ku leh shir soconaya
muddo Afar cisho ah oo la sheegay in looga arinsanayo qorshaha ka bixitaanka
ciidamada midowga Africa ee Soomaaliya.
Simon Mulongo oo kuxigeenka Wakiilka Midowga
Afrika ee AMISOM ayaa sheegay in shirka laga filayo in lagu gaaro go’aamo
leysku haleyn karo, iyadoo dhinaca kale wax dib u dhac ah ku iman howlgalada socda.
Kulanka ayaa ayaa lagu wadaa inta uu socdo in
lagu soo bandhiggo qoryayaasha ay tahay in wax laga qabto ka hor inta aysan
ciidamadu ka bixin dalka.
Tigabu Yilma Wondimhunegn taliyaha guud ee
ciidamada AMISOM ayaa sheegay in howlgalladooda cusub, markan ay noqon doonaan
kuwo bartilmaameedyo gaar ah yeesha isla markaana hoos u dhiga Awoodda iyo dhaq
dhaqaaqa Al-Shabaab.
Arrimaha ugu horeeya ee tahay in la qabto shirka
kaddib, ayaa ah shaqada 28-ka bishan ee dalka looga saaro Kun kamid ah Ciidanka
Burundi, kuwaasoo laga soo qaadayo gobolka Sh.dhexe.
AMISOM waxaa ay sheegtay in qorshahan sidoo kale
ay qeyb ka tahay dib u habeyn lagu sameeyo saldhigyada aagga hore ee difaaca,
iyadoo la dhimayo ciidanka jooga hayeeshee la hagaaginayo tayada saldhigyada
qaar.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]