4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 1 , 2019
Dab Mar kale goor dhaw ka kacay Suuqa Weyn ee Bakaaraha magaalada Muqdisho

 

Jimco, Feberaayo, 01, 2019 (HOL)- Dab xoog leh ayaa lagu waramayaa in marka uu caawa ka kacay Suuqa Weyn ee Bakaaraha magaalada Muqdisho.

Gaadiidka dab-damiska ayaa gaaray Suuqa, sidoo kale waxaa halkaa gaaray inta badan ganacsatada Suuqa oo isaga kala yimid xaafaddaha magaalada markii ay ka war helleen warka ku saabsan dabka mar kale qabsaday suuqa.

Laakiin ganacsatada qaarkood ayaa sheegay in dabkan marka la eego baaxadiisan uusan u xoogeyn si la mid ah kii dhawaan ka kacay oo geystay khasaare hantiyeed oo aad u ballaaran.

Wixii warar ah ee ka soo kordha waan idin soo gudbin doonnaa…

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]