4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 1 , 2019
Xulka Qadar oo 3-1 uga guuleystay xulka kubadda Cagta Japan

 

Jimco, Feberaayo, 01, 2019 (HOL)-  Xulka Kubbada Cagta dalka Qadar ayaa 3-1 ku garaacay xulka kubadda Cagta dalka Japan, taasoo u suur-tagalisay in ay ku guuleystaaney Asian Cup.

Cayaarta oo aheyd mid aad u adag ishana lagu wada hayay ayaa waxaa siweyn uga dhax muuqday dhinaca xulka Qadar cayaar yahanno dhowr ah la soo shir-tagay xirfad sare oo suurtagalisay in ay quusiyaan xulka Kubadda Cagta Japan.

Cayaar yahanka Qadar Cafif oo asal ahaan ka soo jeeda dalka Soomaaliya ayaa ka mid ahaa cayaartooydii sida weyn garoonka uga soo dhax muuqday.

Xulka Kubbada Cagta dalka Qadar ayaa guulaha ay ka gaareen tartankan waxaa uu u yahay mid caalamka ay tuseen sida ay isugu diyaari-nayaan tartanka ciyaaraha adduunka ee soo socda kaasoo uu dalka Qadar martigelin doono.

Xulalka Qatar ayaa horay uga badiyay xulalka kubadda cagta dalalka Sacudi Carabiyo iyo Imaaradka Carabta oo ay siweyn u xifaaltamaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]