4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 1 , 2019
Abwaan Baarleex oo goor dhaw ku geeriyooday magaalada Hyderabad ee dalka India

 

Jimco, Feberaayo, 01, 2019 (HOL)- Warar goor dhaw soo baxay ayaa sheegaya in Alle ha u naxariisteen waxaa magaalada Hyderabad ee dalka India ku geeriyooday Abwaan Cabdulaahi Xirsi Baarlerex oo ka mid ah Abwaanada Soomaaliyeed ee sida weyn uga caan baxay geyiga Soomaaliya.

Abwaanka oo in mudo ah ku xanuunsanaa magaalada Hargeysa ayaa daaweyn caafimaad loo geeyay dalka India oo ay ka shaqeysay safarkiisa dowladda Soomaaliya, waxaana uu ugu danbeyntii u geeriyooday xannuun in muddo ahba uu la il darnaa.

Allaha u naxaristee Abwaan Cabdulaahi Xirsi Baarlerex ayaa caan ku ahaa suugaanta gaar ahaan dhaantada tirinteeda iyo ciyaarteeda, waxa uuna ahaa abwaan si weyn sare ugu qaadayay dhaqanka Umada Soomaaliyeed.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]