ONLF: "Heshiiska aan la galnay Itoobiya kuma jirin in hubka la dhiggo
Jimco,Feberaayo, 01, 2019 (HOL)-Jabahadda Waddaniga Xureynta Ogadeniya (ONLF) ayaa sheegtay heshiiska ay la galeen Dowladda Fedraalka Itoobiya ay ku jirin in hubka laga dhigo jabhadda ONLF.
Hoggaanka Warfaafinta ONLF Maxamed Ibraahim oo war saxafadeed
amuurtan ku saabsan oo ay jabhadda soo saartay akhriyey ayaa wuxuu
sheegay "wadahadalladii iyo heshiiski Jabhadda ONLF iyo Dowladda
Itoobiya ay wada galen inuu ka mid ahaa in ciidamada Jabhaddu ay ka mid
noqdaan ciidamada amniga ee deegaanka".
"Ciidamada Jabhadda iyo kuwa deegaanka sababta loo mideynayana ay tahay si nabadda iyo xasiloonida dalka loo wada ilaaliyo."
Jabhadda
oo ay ka go'an tahay meel marinta heshiiska ay la gashay dowladda
Itoobiya mideynta ciidamadana waxaa ku howlan ayuu yiri "guddi isku dhaf
ah laguna wado hab wada tashi ah lagana ilaaliyo wax kasta oo meel
marinta heshiiskaasi wax u dhimayo".
Ku xigenka H/Abaabulka iyo Arrimaha Gudaha Ibraahim Maxamed Amaan
wuxuu sheegay "war saxafadeedkan inuu ka ka dhashay shir ay guddiga
fulinta iyo golaha dhexe ee Jabhadda ONLF oo ka dhacay magaalada Jigjiga
oo lagu falanqeeynayey qodob ka mid ah qodobbada heshiiska ay Jabhaddu
la gashay dowladda Itoobiya oo ah qodobka Ciidamada".
Ku xigeenka
H/Daryeel ee jabhadda ONLF C/raxmaan Yuusuf Faarax oo ka mid ahaa
xubnihi shirka jaraa'id soo jeediyey ayaa wuxuu sheegay "Umaddu iney
mareyso xalaad xasaasi ah loogana gudbi karo umadda xooggeeda iyo
xoolaheeda oo la mideeyo waxaan ka codsaneynaa cid kasta oo ay khuseyso
arrintaa iyada ihii iney doorkeeda ka qaadato si umadda dhibka ay soo
martay iyo wixi laga soo gudbay looga booga dhayo"
Magaalada Asmara ee caasimadda dalka Eritrea waxay wadahadallo ku
dhex mareen xukuumadda Itoobiya iyo jabhadda ONLF, halkaas oo ay labada
dhinac ku kala saxiixdeen heshiis nabadeed.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]