4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 1 , 2019
Maxkamad ku taalla Kenya oo sii deysay Saddex Qof oo loo haystay in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab

 

Jimco, Feberaayo, 01, 2019 (HOL)-Maxkamad ku taalla Kenya oo sii deysay Saddex Qof oo loo haystay in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab.

Abdul Kibiringi, James Mwai Mwangi iyo Habiba Geeddi Hunshur, ayaa Maanta oo Jimca ah xorriyooda dib u helay, markii ay Maxkamaddu sheegtay in ay laamaha ammaanku baaritaan ka dib ku waayeen dembiyadii lagu soo eedeeyay.

Maxkamadda ayaa caddeysay in qeybta Boliiska u qaabbilsan la  dagaallanka argagixisadu ay xireen Gal-dacwadeedkii ka yiillay dadka la  fasaxay, laguna waayay tuhunkii ku aaddanaa in ay wax ka ogaayeen  weerarkii ay Al-Shabaab ka geysatay Nairobi.

Kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab ayaa 15-kii January ee Sanadkan weerar ku qaadday dhismaha Dusit D2, ee Magaalada Nairobi, halkaas oo ay ku dhinteen inta la ogyahay 21 qof.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]