4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 1 , 2019
Dagaal culus oo deegaanno ka tirsan gobolka Bari ku dhaxmaray xoogag ka kala tirsan Ururrada Al-shabaab iyo Daacish

 

Jimco, Feberaayo, 01, 2019 (HOL)-Wararka ka imanaya magaalada Qandala ee Gobolka Bari ayaa sheegaya in uu dagaal qaraar ku dhex maray xoogag ka tirsan Ururrada  Al-Shabaab iyo Daacish degaannada Dharaar iyo Miraale , halkaas oo Labada dhinacba uu ka soo gaaray khasaare xooggan.

Taliyihii hore ee laanta sirdoonka Puntland, Cabdi Xasan Xuseen  (Cabdi Yare) oo u warramayay VOA-da ayaa sheegay in dagaalkii ugu  dambeeyay ee Saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaannadaasi uu jab  xooggan ka soo gaaray Labada dhinac, kuna waayeen tiro badan oo dagaalyahanno ah.

Daacish oo layad Gacan ku haynta degaannada lagu dagaallamay ayaa la  sheegayaa in ay haatan la wareegeen Al-Shabaab, waloow ay weli is  hor fadhiyaan Labada dhinac.

Dhawaan ayay ahayd markii ay Daacish qaadashada hubka ka joojisay  dadka ku nool Qandala iyo degaannada hoos taga, iyagoo ka baqdin qaba in  ay ku soo dhuuntaan Malleeshiyaadka taabacsan Al-Shabaab.

Dagaalka u dhexeeya labada dhinac ee ku  sugan  qeyba ka  mid ah Soomaaliya ayaa in dhowaalaba ka soconayay degaannada ay ku  sugan yihiin, iyagoo iska dilay horjoogayaal iyo dagaalyahanno.

Al-shabaab ayaa horey uga dhawaaqay dagaal ka dhan ah Ururka Daacish oo la sheegay in ay isku hayaan maamulka deegaannada ay ku wada sugan yihiin.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]