4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 1 , 2019
Itoobiya oo markii ugu horeysay la wareegtay hoggaanka Howlgalka AMISOM ee Soomaaliya

 

Jimco, Feberaayo, 01, 2019 (HOL)- Itoobiya ayaa markii ugu horeysay la wareegtay hoggaanka ugu sareeya taliska howlgalka midowga Africa AMISOM.

Gen. Tigabu Yilma Wondimhunegn oo u dhashay dalka Itoobiya ayaa si rasmi ah loogu wareejiyay hoggaanka ciidamada AMISOM ee Soomaaliya, kaddib munaasabad kooban oo lagu qabtay ama ka dhacday saldhiga ugu weyn ciidamada AMISOM ee magaalada Muqdisho.

Waxaa uu xilka kala wareegay Lt. Gen. Jim Beesigye Owoyesigire oo shaqeynayay tan iyo bishii Janaayo 2018.

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya Francisco Caetano Madeira ayaa sheegay in ay tahay Markii ugu horreysay taliye ka socda Ciidanka Itoobiya lagu wareejiyo Hoggaanka Guud ee AMISOM.

Tigabu waxaa uu ciidamada itoobiya ka tirsan-yahay 34 sano wuxuuna ka soo shaqeeyay qeybo kala Duwan oo ciidmada ah oo ay ka mid yihiin Qeybta, Takhaatiirta, Batroolka, iyo Taliyaha Guud.

“Hawlgalku waa mid aad u weyn, laakiin aad baan ugu kalsoonahay in aad samayn kartid, oo aad leedahay Karti” ayuu yiri Madeira

Itoobiya ayaa qeyb ka ah howlgalka midowga Africa AMISOM waxaana Soomaaliya ka jooga Kumannaan ciidamo ah oo ka howlgala bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]