4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 1 , 2019
Mareykanka oo sheegay in 24 dagaalyahan oo ka tirsanaa Al-shabaab ku dilay duqeyn ka dhacday gobolka Hiiraan

 

Jimco, Feberaayo, 01, 2019 (HOL)- Taliska Mareykanka ee Africom ayaa war ka soo saaray duqeyn diyaaradeed oo Arbacadii ay ka fuliyeen deegaan ka tirsan gobolka Hiiraan oo fariisin u ah Ururka Al-shabaab.

Warka ka soo baxay taliska ayaa lagu sheegay in ciidamada Mareykanka oo kaashanaya kuwa Soomaaliya  ay bartilmaameedsadeen degaanka Shabeelley oo ka tirsan gobolka Hiiraan.

24 ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu dilay duqeyntaasi,iyadoo uu burbur soo gaaray saldhiggii ay halkaasi ku lahaayeen Shabaab.

“Dowladda Mareykanka  waxaa ka go’an sii wadista beegsiga Al-Shabaab si ay uga hor tagaan dhibaatooyinka ay shacabka ku hayaan,iyadoo sidoo kale mar walba la xaqiijinayo in aan khasaare dhimasho iyo dhaawacba soo gaarin dadka rayidka ah” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay taliska Mareykanka.

Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa wali sii wada duqeymaha lagu bartilmaameedsanayo saldhigyada Al-shabaab ee bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya.

 

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]