4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 17, 2018
Gaalkacyo: Mashaariic ku dhismaya isku-tashi bulsho

Isniin, September, 17, 2018 (HOL) –Illaa saddex mashruuc ayaa dhismahooda uu ka socda magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, waxaana mashaariicda ay ku dhismayaan isku-tashi bulsho, sida ay mas'uuliyiinta sheegeen.

Mashaariicda socda ee bulshada ay dooneyso isku-tashi inay ku dhisaan waxaa ka mid ah isbitaalka guud ee magaalada Gaalkacyo, garoonka kubadda cagta ee Cawaale stadium iyo waddada laamiga ah ee bartamaha oo dayactir u baahan.

Dhismaha 1km oo ay bixisay dhaqaalaha ku baxaya dowladda hoose ee waddada bartamaha Gaalkacyo ayaa hadda maal wanagsan maraya,iyadoo marka dhismaha uu dhammaado lugu dari doono 7.5 km oo dhaqaalaha ku baxaya la doonayo bulshada iyo dowladda inay iska-kaashadaan.

" Aboorka kama liidanno ,waxad aragteen ayuu dhisaa.. laakin wuxuu wax ku dhisa isku-tashi iyo isku dubnaan, Gaalkacyo aboorka kama liidato." ayuu yiri xubin ka tirsan guddiga dhismaha waddada laamiga ah ee bartamaha Gaalkacyo.

Kulamo mashaariicda dhaqaalo loogu aruurinayo ayaa si joogta ah uga socda magaalada Gaalkacyo,iyadoo guddiyada ku howlan iyo mas'uuliyiinta ay ku baaqeen in bulshada Soomaaliyeed ay ka qaybqaatan dhismaha mashaariicda oo muhiim u ah bulshada.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]