4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 16, 2018
Layla Cali oo noqotay qofkii labaad oo Soomaali ah oo loo doorto Baarlamaanka Sweden

Axad, September, 16, 2018 (HOL) – Layla Cali Cilmi  ayaa taariikh sameysay ka dib markii ay noqotay qofkii labaad ee ka soo jeeda bariga Afrika oo ku guulaysta mid ka mid ah kuraasta baarlamaanka dalka Sweden.
 
Cabdirisaak Waberi oo ka soo jeeda jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Gothenburg ayaa noqday Soomaaligii ugu horreeyey ee xubin ka noqday baarlamaanka dalka Sweden. Wuxuuna xildhibaan ahaa 2010 ilaa iyo 2014.
 

Guusha ay Layla gaartay ayaa waxaa aad u soo dhaweeyay bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan waddanka Sweden.Layla oo ka socotay xisbiga Green Party ayaa waxay ma tali doontaa degmada Angered ee ka tirsan magaalada Gothenburg taa oo ay ku badan yihiin dadka ka soo jeeda Geeska Afrika.

Degmada Angered ayaa waxaa ku nool illaa 14,000 oo qof oo Soomaali ah.

Layla iyo qoyskeeda ayaa waddanka Sweden galay sanadkii 1990 xilligaa oo dalka Soomaaliya uu ka socday dagaal sokeeye.

Layla ayaa waxay ballan qaaday in ay ahmiyada koowaad ka dhigi doonta dhanka waxbarashada.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]