Orodyahan reer Kenya ah oo ku guulaystay tartanka orodka adduunka
Axad, September, 16, 2018 (HOL) –Orodyahanka reer Kenya ,Eliud Kipchoge ayaa taariikh cusub ka dhigay tartanka oradka adduunka, wuxuu ku guulaystay tartankii ka socday magaalada Berlin ee dalka Jarmalka.
Kipchoge ayaa ku ordday 2 saacadood, hal daqiiqo iyo 39 ilbiriqsi, waxaana oradka uu noqday mid aan looga horreyn, maaddaama uu jebiyay rikoorkii u yaallay tartankan.
Orodyahanka oo 33 jir ah waxaa loo diiwaangaliyay orodyahankii ugu horreeyay ee ku ordda wax ka yar 2 saacadood iyo 2 daqiiqo. Ninkan ayaa sidoo kale lagu tiriyaa inuu kamid yahay orodyahannada ugu wanaagsan dunidda ee wacadaraha dhigay.
Madaxwaynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa u hambalyeeyay Eliud Kipchoge iyo kooxda kale ee tartanka ku matalaysay Kenya, isagoo yiri " Kenya way idin ku faraxsantahay."
Eliud Kipchoge ,waa markii saddexaad uu guul soo hoyiyo cayaarihii ka dhacay London , horrantii sannadkan wuxuu ahaa orodyahankii ku guulaystay oroddada Olimbikada.
Sannadkii 2003-dii Paul Tergat oo Kenya u dhashay ayaa isagana noqday orodyahankii ugu horreeyay ee ku ordda 2 saacadood iyo shan daqiiqo.
Sannadkii 2008-dii Haile Gebreselassie ayaa isagna ku ordday 2 saacadood iyo afar daqiiqo halka sannadkii 2104-kii uu ordyahan Kenya u dhashay uu isna qaatay 2 saacadood iyo 2 daqiiqo.
Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]