4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 15, 2018
Dagaal culus oo saakay ka dhacay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose

 

Sabti, September, 15, 2018 (HOL)- Wararka naga soo gaaraya degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in waabarigii hore ee saakay dagaal culus qeybo ka mid ah degmada ku dhaxmaray ciidamada dowladda Soomaaliya iyo xoogag ka tirsan Ururka Al-shabaab.

Goobjoogayaal ku sugan degmada ayaa warbaahinta u sheegay in xiliggi hore ee salaada subax saakay mar kaliya dadka ku soo tooseen dhawaqa hub culus oo ay qeybo ka mid ah degmada isku weydaarsanayeen ciidamada dowladda iyo xoogagga Al-shabaab oo dhowr jiho weerar ka soo qaaday.

Xoogagga weerarka soo qaaday ayaa la sheegay in ay beegsadeen saldhig ciidan oo ku yaala aagga halka lagu magacaabo Buulo-Fooliyo, waxaana la tuhusan yahay in dagaalamayaasha weerarka soo qaaday ka soo kicitimeen dhinaca degmada Owdheegle.

Ilaa iyo hadda dhab ahaan lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka, hasse ahaatee degmada ayaa sheegay in uu jiro karo khasaare dhimasho iyo dhaawac-ba leh marka la eego xadigga dagaalka labada dhinac dhaxmaray.

Degmada Afgooye ayaa noqotay bartilmaameedka ugu badan oo ay Al-shabaab beegsadaan gobolka Shabeellaha hoose marka laga soo tago degmada Marka oo marar badan xoogagga Al-shabaab gudaha u galleen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]