Halkee ayuu marayaa shirka hoggaamiyayaasha gobolka ee magaalada Gondar
Sabti, November, 10, 2018 (HOL) -Magaalada Gondar ee dalka Itoobiya waxaa wali ku shir ku leh hoggaamiyayaasha saddexda dal ee Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea.
Maanta ayaa lagu wadaa in ugu danbeyntii war-murtiyeed laga soo saaray kulanka saddexda hoggaamiye oo ka wada hadlaya sidii loo sii dhameystiri lahaa heshiiskii saddex geesoodka ahaa bishii September lagu gaaray magaalada Asmara ee dalka Eritrea.
Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta
Madaxtooyada Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in hoggaamiyeyaasha
dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea ay socdaal dhanka dhulka ah ku
tagayaan magaalada Bahra Daar ee Waqooyi Galbeed dalka Itoobiya, halkaas
oo ay ku yeelan doonaan wadahadallo ku saabsan dhammeystirka heshiiska
iskaashiga iyo wax wada qabsiga saddex geesoodka ah.
“Hoggaamiyeyaasha Gobolku waxa ay iska xog waraysan
doonaan xaaladaha guud ee Gobolka, iyagoona si gaar ah uga wada hadli
doona dhammeystirka heshiiska iskaashiga saddex geesoodka ah ee
Asmara.”ayuu yiri Cabdinuur
Waxaa uu sheegay in shirarkan wadatashiga ah ee ay
yeelanayaan Hoggaamiyeyaashani ay ka turjumayaan ka mira-dhalinta
dadaallada ku qotama horumarinta dalalka Gobolka Geeska Afrika iyo
xaqiijinta hiigsiyada nololeed ee shucuubta walaalaha ah.
Isbaheysiyada ka dhex sameysmay dalalka Soomaaliya,
Itoobiya iyo Eritrea ayaa ku soo aaday xilli xasaasi ah oo is bedelo ka
socdaan Gobolka Geeska Afrika.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]