4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 22, 2018
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo walaac ka muujiyey khasaaraha ay dhalisay Duufaantii gobolka Awdal ku dhufatay


Talaado, May, 22, 2018 (HOL) - Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland C/raxmaan Saylici ayaa walaac xoogan ka muujiyay deegaanadii ay duufaantu ku dhufatay ee gobolada Awdal iyo Selel oo uu sheegay in dad iyo duunyaba khasaare weyni soo gaadhay.

Saylici ayaa shalay diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah oo Jabuuti ku caawisay ku tagay goobihii khasaaraha ugu badani ku dhacday ee gobolada Awdal iyo Selel, waxaanu sheegay in degmadda Lughayaha ugu daran tahay xaga khasaaraha oo guryihiina burbureen dadkiina uu godoon ku jiro oo aanay dhinacna uga dhaafi Karin ka dib markii daadadkii soo rogmaday dhulkii jeexjeexyo waaweyn oo aan laga gudbi Karin ku sameeyey.

“ Degmada Lughaya oo ah meesha duufaantu aad ugu dhufatay waxa ku geeriyootay sodan qof iyo toban qof oo illaa hadda la laayahay, degmada ku xigtaana waa Baki oo ilaa tobaneeyo qof ku geeriyoodeen, meelaha kale ma badna dhimashaddu”ayuu yidhi Saylici oo ka warbixinayey deegaanadii uu diyaarada ku maray.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in xoolihii daadadkii iyo qabowga meesha ka dhacay u geeriyoodeen, halka beerihiina uu dhulka la simay, waxa kale oo uu xusay in dadkaasi aanay haysan hoy ay galaan iyo cunto ku filan.

Madaxweyne ku xigeenkii oo saaka ka soo laabtay magaaladda Jabuuti ayaa sheegay in uu hadda madaarka ka noqonayo oo uu gaynayo raashin iyo dawooyin, waxaanu xusay in dawlada Imaaraadku ku caawisay Somaliland laba Diyaaradood oo nooca qumaatiga u kaca ah (Helicopters ), kuwaas oo ka qaybgaadan doona gurmadka loogu jiro dadka waxyeeladu ka soo gaadhay duufaantaasi.

“shalay waxaan u dhoofay Jabuuti si dhinaca Jabuuti uga soo galno xadka, waxaanay xukuumadda Jabuuti nagu caawisay diyaaradda Helicopter ah oo aanu ku tagnay goobihii dhibaatadu ku dhaceen, imika waxaan dib ugu noqonayaa goobihii oo laba diyaaradood oo Helicopter ah ayey Imaaraadku inagu caawiyeen, waxaana ku rarayna raashinkii iyo dawooyinka, iyadoo Barrina diyaarado kale oo Raashin sida inoo soo dirayaan Imaaraadku “ayuu hadalkiisa raaciyey.

Dhamaan hay’adaha ka ka hawlgalla Somaliland ayaa lagu amray in degdeg uga qaybqaataan gurmadka loogu jiro dadkaasi dhibaataddu haysato oo badankoodu ay adag tahay in gaadiidka dhulku gaadho diyaarado mooyee.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.