4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 23, 2018
Xaliimo Yareey oo faah faahin ka bixisay nooca doorashada ka dhaceysa dalka 2020-ka

 

Jimco, Maarso, 23, 2018 (HOL) - Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka Soomaaliya ayaa sheegtay inay aad ugu kalsoonyihiin ka Guddi ahaan shaqada ay qabteen, iyadoo tilmaantay in wixii hadda ka horreeyay aysan jirin wax dhaqaajiyo ama sameeyo daba gal, balse haatan ay dhisan yihiin Tiirarkii loo baahnaa maaddaama howshan ay iyaga u taallo.

Xaliimo yareey oo u warramaysay Laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa intaa ku dartay in dhaqaalo dhan ka badan $129 Million oo doollar ah ay ku bixi doonto qabashada doorashada la qorsheynayo inay ka dhacdo Soomaaliya Sanadka 2020-ka.

Doorashada ayay sheegtay inay noqon doonto Hal Qof iyo Hal Cod, waxayna intaa raacisay in nidaamka doorashada nooca uu yahay lagu qeexi doonaa shirka 28-ka Maarso la filayo inuu ka dhaco Magaalada baydhabo, iyadoo go’aankeedana ay leeyihiin madaxda Qaranka.

Guddoomiyaha ayaa ugu danbeyntii sheegtay in ay ka qayb qaadan doonto cid kasta oo Soomaali ah oo buuxisa sharuudaha loo baahan yahay, xaqna u leh in ay wax doorato, waxayna intaa raacisay inay haatan ku gudo jiraan diyaarinta qaabka ay noqonaysao doorashada, taasoo ay la wadaagi doonaan Madaxda dalka Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]