4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 23, 2018
Guddiga difaaca baarlamaanka oo ka digey in xiisada jirta saameyn ku yeelato howlaha Amniga

 

Jimco, Maarso, 23, 2018 (HOL)-Guddiga Difaaca ee Baarlamaanka Soomaaliya Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in xiisada siyaasadeed ee ka dhalatay mooshinka ka yaalla Guddoomiye Jawaari aanay marna jahwareer ku keenin sugida amniga.

Sadiiq Warfaa oo ka mid ah xubnaha Guddiga Difaaca Golaha Shacabka ayaa sheegay in arrinta Mooshinka ay hor-taallo Golaha shacabka, isla markaana si dastuuri ah lagu dhameyn doono.

“Arrinta Mooshinka iyo khilaafka jira waxaa lagu kala bixi doonaa dastuurka, waxaa rajeynayaa in jahwareer uu gelin ciidamada amniga, in siw adajir ah loo sugo amniga, anagana waa garab taaganahay”ayuu yuri Sadiiq Warfaa.

Sadiiq Warfaa ayaa sheegay in ay nasiib darro aheyd qaraxii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho, isagoo ugu baaqay Hey’addaha amniga inay feejignaan iyo taxadar muujiyaan.

Maalintii shalay ayay aheyd markii qarax uu ka dhacay Wadada Maka al-Mukarama, kaasoo ay ku naf waayeen dad fara badan oo shacab ahaa.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]