4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 23, 2018
Wasiir Cawad : Shirkii Kigali muhiim ayuu u ahaa Soomaaliya

Jimco, Maarso, 23, 2018 (HOL) -Wasiirka Wasaaradda Arrimaha debada iyo Iskaashiga caalamiga ah Axmed Ciise Cawad oo la hadlay Hiiraan Online ayaa sheegey in muhiimad gaar uu u lahaa Soomaaliya shir madaxda Qaarada ugu soo dhamaaday magaalada Kigali ee dalka Rwanda.

Shirka ayuu sheegay in lagu heshiiyay suuq xor ah oo ganacsi ay yeeshaan wadamada Qaarada, iyadoo Soomaaliya ay ka mid tahay wadamada saxiixay heshiiskan African Continental Free Trade Area.

‘’Soomaaliya waad ogtihiin waa dad ganacsiga aad ugu wanaagsan waliba qaarada siweyn ugu firirsan, ganacsigooduna ka socdo, sidaa daraadeed in leysku furfuro isku socodka iyo ganacsiga qaarada muhiimad weyn ayuu noogu fadhiyaan’’ ayuu yiri Wasiirka oo si gaar ah ula hadlay Hiiraan Online.

Wasiirka ayaa shirka ku matalayay Soomaaliya , isaga oo sheegay in Soomaaliya diyaar u tahay in codkeeda ku biiriso heshiiskan oo ah mid taariikhi ah.

Dhinaca kale Wasiirka oo soo hadal qaaday shirkii Jaamacada Carabta ee dowladda Soomaaliya u gudbisay dacwadii ka dhanka aheyd heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee Berbera ayuu sheegay in arintaa go’aan mideysan ka soo saareen, gaar ahaan waxaa uu sheegey in dowladda Sacuudiga oo shirkaa guddoomineysay balanqaaday in ay dhaxdhaxaadin doonto labada dowladood Soomaaliya iyo Imaaraadka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]