4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 23, 2018
Ra’iisal wasaare Kheyre oo ka hadlay Qaraxii dadka badan ku dhinteen ee shalay ka dhacay Muqdisho

 

Jimco, Maarso, 23, 2018 (HOL) – Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo ka hadlay Qaraxii dadka badan ay ku dhinteen ee shalay ka dhacay Hotelka Weheliye ee magaalada Muqdisho ayaa laamaha Amniga faray in faah faahin dheeraad ah ka bixiyaan Qaraxa .

Ra’iisal wasaaraha ayaa tacsi u diray u ehelada dadkii ku dhintay isaga oo dhinaca kalana caafimaad u rajeeyay dadka ay dhaawacyada kala duwan ka soo gaareen weerarka oo uu sida uu hadalka u dhigey ahaa mid bahalnimo oo ay ka danbeeyeen dad Cadow ah.

Qaraxan ayaa noqonaya kii ugu cuslaa oo waayadii ugu danbeeyay ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana lagu soo beegay xili uu mashquul badan ka jiray goobta la bartilmaameedsaday oo dad badan oo shacab ah ku shaahayeen.

Laamaha Amniga dowladda Soomaaliya oo war ka soo saaray khasaaraha ka dhashay Qaraxa ayaa sheegay in ay ku dhinteen 17 ruux oo rayid u badnaa, sidoo kalana waxaa ku dhaawacmay tiro inta ka sii badan oo qarkood ay soo gaareen dhaawacyo culus.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]