Duqa Muqdisho oo sheegay in leysku furayo Waddooyinka xiran ee Caasimadda
Talaado, Maarso, 20,
2018 (HOL) - Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane
Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yarisoow oo
saakay dib u furay waddada hor-marta Xerada Gaadiidka Booliska ee Degmada
Cabdicasiis ayaa sheegay inuu qorshuhu yahay in dib loo furo dhammaan
waddooyinka kale ee xiran, si loo fududeeyo isku socodka dadweynaha iyo
gaadiidka Caasimadda.
Guddoomiye Yariisoow
ayaa uga mahadceliyey ciidamada Booliska
Soomaaliyeed ogolaanshahooda ay wadadan ku fureen, si ay qeyb uga qaadato
horumarka iyo bilicda Caasimadda, waxuna tilmaamay in tallaabadan ay xigi
doonto furitaanka wadada hormarta xarunta Danbi baarista ee CID taasoo
muhiim u ah isku socodka magaalada.
“Tani waa bilow
waxaan ku soconnaa in dhammaan waddooyinka xiran loo furo shacabka, si loogu
fududeeyo isku socodka dadweynaha iyo gaadiidka ee caasimada intii amni looga
maari waayo mooyee, sidaas daraadeed, shacabka waxaa laga rabaa in ay isku diyaariyaan
dhismaha waddooyinka, ciidamada Booliiska waxaan uga mahadcelinaynaa sida ay
nooga aqbaleen codsigeena una fureen waddadan”ayuu yiri guddoomiye Yarisoow.
Duqa Muqdisho waxuu
sheegay in furitaanka waddooyinka ay kaalin muhiim ah ka qaadan karaan Amniga
iyo horumarka Caasimadda, shacabka Soomaaliyeed na looga fadhiya in doorkooda
ay ka qataan sidii ay magaalada Muqdisho ula tartami lahayd caasimadaha kale ee
adduunka.
Guddoomiyaha Gobolka
Benaadirn ayaa baaq u diray Ganacsatada iyo Shacabka xirtay waddada
dhinacyadeeda ee dhulka danta guud ah, isagoo xusay in tallaabo sharci ah laga
qaadi doono cidii arrimahaas lagu helo.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]