Guddoomiyaha Baarlamaanka oo xalay la kulmay madaxweyne Farmaajo
Isniin, Maarso, 19, 2018 (HOL) – Guddoomiyaha Baarlamaanka
Soomaaliya Prof Maxamed Cimaan Jawaari ayaa xalay kulan gaar ah la qaatey
madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay ka wada hadleen Khilaafka
ka dhashay Mooshinka iyo sidii loo wajihi lahaa.
Xildhibaan Cabdiraxmaan Beenebeene oo ka tirsan
Golaha Shacabka kana mid ah mudanayaasha Baarlamaanka ee sida weyn ugu dhaw
dhaw guddoomiyaha ayaa VOA u sheegay in guddoomiye Jawaari uu kala hadlay
madaxweynaha qodobo dhowr ah, gaar ahaan in sida xeer hoosaadka Baarlamaanku
qabo muddo 10 cisho ah lagu meel-mariyo codeynta mooshinka ka dhanka ah oo ka
bilaabaneysa 14kii bishan oo ay xildhibaannadu gudbiyeen Mooshinka.
Sidoo kale guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya
ayaa kala hadlay madaxweynaha in codeynta Mooshinka lagu qabto meel amaan ah oo
ka baxsan xarunta Golaha Shacabka, iyadoo ay goob joog yihiin, Guddiga ka socda
xildhibaannada Aqalka Sare, Ururrada
bulshada rayidka ah iyo beesha Caalamka intaba.
Guddoomiyaha Baarlamaank Soomaaliya Prof Maxamed
Cismaan Jawaari ayaa hadda u muuqda mid ku ad-adag in cod la galiyo Mooshinka
ka dhanka ah isaga oo meesha ka saaray in uu xilka iska casilayo.
Xildhibaan Beenebeene ayaa sheegey in kulanka
guddoomiyaha Baarlamaanka iyo madaxweynaha leysku afgartay.
In xilka laga qaado Prof Jawaari ayaa u baahan in loo helo codad gaaraya 184
xildhibaan oo ah arin aad u adag marka la eego tirade guud ee Baarlamaanka.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]