Madaxweyne Waare oo sheegay in uu dhamaaday khilaafkii kala dhaxeeyay dowladda federaalka
Arbaco, September, 19, 2018 (HOL) –Madaxweynaha
dowlad gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo shir jaraa’id ku qabtay
magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay is afgarteen iyaga iyo dowladda dhexe ee
Soomaaliya.
Waxaa uu
sheegay in dowladda federaalka ay ka wada hadlleen tabashooyinka ay qabaan,
islamarkaana shaqsiyan uu dowladda kala heshiiyay khilaafkii kala dhaxeeyay.
Wada-hadalladan ayaa waxaa yeeshay madaxweynaha Hirshabeelle, ku-xigeenkiisa,
guddoomiyaha baarlamaanka iyo mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya, iyaga oo isla
eegay caqabadaha taagan iyo tabashada maamulka Hirshabeelle ay ka qabaan
dowladda Soomaaliya, gaar ahaan marka la eego dhinac-yada amniga iyo siyaasada.
Dowladda federaalka
ayuu ugu baaqay dowladda ay wada-hadal la furto dowladda gobolleed-yada oo khilaaf
xoogan uu kala dhaxeeyo, isaga oo sheegay ka maamul ahaan in ay gacan ka geysan
doonaan isku soo dhaweynta dowladda Soomaaliya iyo maamul gobolleedyada.
Maxamed
Cabdi Waare ayaa todobaadkii hore shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada
Muqdisho waxaa uu siweyn u weeraray siyaasada amniga ee dowladda Soomaaliya.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]