4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 18, 2018
Madaxweynaha Puntland oo socdaal ku maraya deegaanno ka tirsan Karkaar iyo Sanaag


Talaado, September, 18, 2018 (HOL) –Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta gaaray magaalada Qardho, halka oo  uu ugu bilowday socdaal uu ku tagayo deegaanno ka tirsan gobolka Sanaag.

Cabdiweli ayaa markii uu gaaray Qardho, waxaa halka ku soo dhaweeyay mas'uuliyiin ka tirsan degmada iyo qaybaha bulshada, isagoo markiiba kormeer ku tagay goobaha bulshada loogu adeego oo isbitaalka guud ee degmada uu ugu horreeyo.

Madaxweynaha Puntland, wuxuu ballan-qaaday dowladda inay gacan ka geysan doonta qalabayntiisa iyo tayayntiisa isbitaalka guud ee Qardho oo dhisme uu ku socdo, si ay shacabku uga helaan adeeg wanaagsan.

Docda kale, madaxweynaha Puntland wuxuu socdaalkiisii ugu horreeyay tan iyo inta uu xilkan qabtay  ku tagi doonaa degmada Badhan ee xarunta gobolka Sanaag. Inta uu joogo Badhan wuxuu madaxweyne Gaas xarig-jari doonaa Jaamacadda Maakhir oo sannadkii hore laga hirgeliyey magaalada Badhan.

Jaamcaddan oo ay ku deeqday dowladda Kuwait ,waxa dhismeheeda hirgeliyey shirkad laga leeyahay dalka Masar oo mageceeda loo soo gaabsho CEC, mushracan fulintiisu waxa uu qaatay muddo labo sanno ah , waxana ku kacay lacag ku dhow 4 malyan oo doollar ,iyadoo hadda la dhameeystiray wajigii koowaad, sida u xaqiijiyay sarkaal ka tirsan shirakadda mashruuca gacanta ku haysa.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]