4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 17, 2018
Wafdi ka socda mudaneyaasha aqalka sare ee Baarlamanka dalka oo soo gaaray Kismaayo

Isniin,September,17, 2018 (HOL)–Guddigan oo qeyb ka ah gudiyo ay mudaneyaasha aqalka sare u saareen xallinta khilaafaadka ka dhex aloosan dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada dalka ayaa maanta lagu soo dhaweeyay magaalada Kismaayo ee xarunta gooblka J/hoose.

Gudoomiyaha baarlamanka Jubbaland Mudane Cabdi Max'ed C/raxmaan, xildhibaanno ka tirsan aqalka sare oo hore ugu sugnaa KIsmaayo iyo madax kale ayaa kamid ahaa masuuliyiintii garoonka kusoo dhaweeyay wafdiga.

Xildhibaannadan ayaa waxaa hogaaminayay Mudane Axmed Xaashi oo kamid ah xubnaha aqalka sare ee laga soo doortay Jubbaland.

Mudanayaasha ayaa sheegay in ay u yimaadaan sidii ay ugu kuurgali lahaayeen halka uu salka ku hayo khilaafka ka dhex alsoon dowladda dhexe iyo dowlad goboleedka Jubbaland, kadibna ay raadin doonaan sidii la isugu soo dhaweyn lahaa labada dhinac.

Wufuud ka socotay aqalka sare ayaa sidoo kale gaaray dowlad goboleedyada Puntland iyo Koonfur Galbeed, waxaan sidoo kale ay mudaneyaashu tagi doonaan dowlad goboleedyada kale.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.