António Guterres " Heshiiska nabadda ee Itoobiya iyo Ereteria waa dhacdo taariikhi ah"
Isniin, September, 17, 2018 (HOL) – Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay,António Guterres ayaa soo dhaweeyay heshiiska nabadda ee hoggaamiyayaasha Itoobiya iyo Ereteria ay Axaddii shalay ku saxiixeen magaalada Jeddah ee dalka Sacuudi Carabiya.
"Waxaan si gaar ah uga mahadcelinaya boqor Salmaan oo dadaal badan geliyay nabad ka aslixinta geyiga labadaasi dal iyo soo afjarida khilaafka muddada dheer u dhaxeeyay Itoobiya iyo Ereteria." ayuu yiri Guterres oo wariyayaasha kula hadlay Jeddah.
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, waxaa kalo u sheegay inay wax badan iska badalayaan xiriirka waddamada geeska Afrika iyo guud ahaan qaaradda, isagoo ku dhiirrigaliyay hoggaamiyayaasha qaaradda si wada-jir ah in looga shaqeeyo hagaajinta xiriirka bulsho iyo dal.
Madaxweynaha dalka Eritrea,Isaias Afwerki iyo ra'iisul wasaaraha Itoobiya,Abiy Axmed ayaa galinkii dambe ee shalay qalinka ku duugay heshiis ay garwadeen ka aheyd dowladda Sacuudiga,heshiiska oo dib u hagaajiyay xiriirka labada dal oo muddo labaatan sanno ay ka dhaxaysay colaad.