4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 17, 2018
Gacan ku dhiigle haweenay dilay oo maanta loo gacan galiyey maamulka gobolka Sanaag

 

Isniin, September,17, 2018 (HOL)–Gacan ku dhiigle haweenay ku dilay degmada Ceel-afweyn ayaa maanta lagu wareejiyey maamulka gobolka Sanaag ka dib markii laga soo qabtay gobolka Karkaar ee maamulka Puntland.

Gacan ku dhiigle Cabdinuur Maxamud Maxamed waxaa dawlada ku wareejiyey odayaasha uu ka soo jeedo, kuwaas oo kaga daba tagay gobolka Karkaar oo uu u baxsaday, waxaana odayaashaasi ka caawiyey madax dhaqameedka Puntland oo usoo dhiibay ninkaasi.

Odayaasha uu ka soo jeeday gacan ku dhiigluhu ayaa u mahad celiyey odayaasha reer Karkaar ee gacanta weyn ka gaystay inay ku soo wareejiyeen.

Gudoomiyaha gobolka Sanaag Maxamed Axmed Tiimbiro ayaa isna u mahadnaqay maamulka Puntland iyo odayaashiisa gacanta ku soo dhigay ninkan wax dilay, waxaanu sheegay inuu kulansiin doonno labadii dhinac ee ninkii gabadha la dilay ka soo jeedo iyo dhinacii uu ninka wax dilay ka soo jeeddo.

“Aad waxaan u amaaanay reerkii gacantu ku dhacay ee aan is dhaqaajin, waxaan aad u amaanaya maamulka iyo madax dhaqameedka Punland oo hawshan si weyn gacan iskaga saaray” ayuu yidhi Tiimbiro.

 

Marxuumada la dilay ayaa magacadeeda la odhan jirey Rooda Cali Cadde, waxaana la sheegay inuu ninkan wax dilay ay xaaskiisa ahayd, haseyeeshee ay gacani kaga dhacday ka dibna u baxsaday dhulka Puntland.

Heshiishkii Beelihii dirirtu ku dhexmartay Ceel-afweyn ayey ku jirtay qodob ah in qofkii qof dila oo ka mid ah labada beelood ay dawladda usoo dhiibaan, isla markaana aanay dhinaca wax laga dilay ku degdegin inay aarsadaan, waxaana odayaasha uu ka soo jeedo gacan ku dhiigluhu raadinayeen muddo si gacanta loogu galiyo dawladda oo aanay nabadii laga hirgaliyey ceelafweyn mar kale u burburin.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.