4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 17, 2018
Wasiirka Arrimaha Dibadda oo qaabilay Siihayaha Ergayga Midowga Yurub ee Soomaaliya

Isniin, September, 17, 2018 (HOL) –Wasiirka arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee  Soomaaliya , Axmed Ciise Cawad ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Siihayaha Ergayga Midowga Yurub ee Soomaaliya,  Fulgencio Garrido Ruiz.

Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa Ergayga waxa uu kala hadlay arrimo muhiim u ah labada dhinac oo ay ku jirto xaaladihii ugu dambeeyay ee gobolka iyo xoojinta xiriirka Midowga Yurub iyo Soomaaliya.

Siihayaha Ergayga Midowga Yurub ee Soomaaliya, Mudane Fulgencio Garrido Ruiz, waxaa u sheegay wasiirka arrimaha dibadda inay ka go'antahay Midowga Yurub sidii Soomaaliya ay uga dhalan lahayd xasilooni buuxda iyo horumarinta hay'adaha dowladda.

Midowga Yurub waa mid ka mid ah deeq bixiyeyaasha ugu muhiimsan ee Soomaaliya,wuxuuna qeyb libaax leh ka qaataa xoojinta xasiloonida iyo horumarka Soomaaliya.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]