4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 15, 2018
Xaaf oo beeniyay in xil ka qaadis lagu sameeyay

 

Sabti, September, 15, 2018 (HOL) –Madaxweynaha dowlad gobolleedka Galmudug ayaa beeniyay in xilka laga qaaday kaddib xildhibaanno galabta ku shiray magaalada Cadaado oo sheegay in ay kalsoonidii kala laabteen madaxweynaha.

Xaaf ayaa sheegay in degmada Cadaado wax xildhibaanno ah joogin, islamarkaana Cali Gacal Casir aheyd guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug madaama sida uu hadalka u dhigay Khamiistii ina dhaaftay kulan ka dhacay Dhuusa-Mareeb looga qaaday guddoonkii baarlamaanka.

"Xildhibaano meesha ma joogaan waa 9 xildhibaan iyo mid uu isagu yiri nin tagay buu badalayaa oo uu maanta dhaariyay marka waxaasi waa wax iska fowda ah," ayuu yiri Mr Xaaf oo la hadlay laanta afka Soomaaliga ee BBCda.

Galmudug ayaa hadda wajeysa khilaaf xoog leh oo sababay in dhinac walba uu sheegtay in uu sharciyad u heysto taallaabooyinka uu qaadayo iyo mooshin-nada iska soo horjeeda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]