Xildhibaanno Cadaado uga dhawaaqay in ay xilkii ka qaadeen madaxweynaha Galmudug
Sabti, September, 15, 2018 (HOL)–
Dowladda gobolleedka Galmudug ayaa hadda
u muuqda mid labo garab u qeybsamay, kaddib kulan maanta ay ku yeesheen
magaalada Cadaado xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka maamul gobolleedka oo
sheegay in ay xilkii ka qadeen madaxweyne Axmed Ducaale Geelle Xaaf.
Kulanka xildhibaannada waxaa shir
guddoominayay Cali Gacal Casir oo Khamiistii xildhibaanno ku shiray
Dhuusa-Mareeb sheegeen in ay kala laabteen kalsoonidii guddoonka baarlamaanka
Galmudug, hasse ahaatee dhinaciisa diiday xil ka qaadista lagu sameeyay.
Laakiin Cali Gacal Casir ayaa
maanta uga dhawaaqay magaalada Cadaado kalsooni kala noqoshada madaxweyne Xaaf
kaddib markii uu shir guddoomiyay kulan sida hadalka loo dhiggay ajandihiisu
ahaa mooshin laga keenay madaxweynaha.
Dhinaca kale baarlamaanka
Galmudug garabka fadhiggiisu yahay degmada Dhuusa-mareeb ayaa la sheegay in ay mooshin ka dhan ah madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Maxamed Cabdi Xaanshi Careyb u gudbiyeen ku-xigeenka koowaad ee baarlamaanka Xareed Cali Xareed.
Cadaado waxaa ay xarun u tahay madaxweyne ku-xigeenka
Galmudug iyo guddoomiye Casir, halka Dhuusa-Mareeb-na ay fadhiyaan madaxweyne Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo labada guddoomiye ku-xigeen ee baarlamaanka
Galmudug, taasoo muujineysa in maamulku labo garab u qeybsamay.
C/raxmaan
Diini, Hiiraan Online
[email protected]