Muqdisho : Qaraxyada iyo dilalka oo ku soo badanaya iyo ciidamada oo ku dadaalaya sugida amniga
Sabti, September, 15,
2018 (HOL)–Inkastoo nolasha magaaladu tahay mid socota oo dadku iska wataan
howl-maalmeedkoodii caadiga ahaa, haddana dhinaca kale waa dhif iyo naadir in
aysan dhagahaagu maqal magaalada Muqdisho qarax ayaa meel hebel ka dhacay iyo
kooxo hubeysan ayaa dad toogasho ku dishay.
Waxaa ugu danbeeyay
qarax xalay ka dhacay ilinka hore ee xarunta shirkadda xawaallada Amal ee Suuqa
Bakaaraha, ma jirto cid qaraxaasi wax ku noqotay, laakiin waxaa uu ahaa mid
siweyn looga maqlay xaafaddaha ku dhaw dhaw aaga uu ka dhacay.
Suuqa Bakaaraha oo
ah mid ka mid ah xarumaha ganacsiga ugu mashquulka badan guud ahaan marka la
eego dalka Soomaaliya ayaa haddana u muuqda bartilmaameedka ugu weyn kooxaha
qaraxyada iyo falalka dilalka ah ka geysta magaalada Muqdisho, waxaana si gaar
ah loogu bartilmaameedsadaan ciidamada dowladda iyo dadka rayidka ah gaar ahaan dhalinyarada.
Taa badalkeeda
ciidamada dowladda Soomaaliya waxaa ay wadaan howlgalo is daba joog ah oo ay
doonayaan in ay ku xaqiijiyaan nabad-galyada caasimada iyaga oo dhowr jeer oo
hore howlgalo ay sameeyeen ku toogtay kuwa kalana ku soo qabtay xubno sida ay
saraakiishu sheegeen ka tirsan Ururka Al-shabaab qaarkood-na muddo dheer
baadi-goob lagu hayay.
Qarax-yada iyo
dilalka ka dhaca caasimada qaarkood waxaa sheegta Ururka Al-shabaab, gaar ahaan
marka bartilmaameedku yahay xarun dowladdeed ama weerar lagu dilo xubno ka
tirsan dowladda federaalka, laakiin qaar ka mid ah falalka dilalka ah iyo
qarax-yada waa laga aamusaa oo ma jirto cid sheegata sida kii xalay ka dhacay
suuqa Bakaaraha oo kale.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]