4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 9 , 2018
Dibedbaxayaal ku baaqay in wax laga qabto xaaladda amniga ee magaalada Gaalkacyo

Talaado, October, 09, 2018 (HOL) – Dhallinyarada magaalada Gaalkacyo oo isu soo bax dhigay ayaa ugu baaqay hay’adaha ammaanka iyo xukuumadda inay qaadan tallaabooyin ay ku qanci karaan oo wax looga qabanayo xaaladda amni ee magaalada Gaalkacyo, kaddib dilal si joogta ah magaalada uga dhacay toddobaadyadii u dambeeyay.

Dhallinyarada waxaa taab-tay dilka nin ka mid ahaa dhallinyarada firfircoon ee gobolka oo Isniintii dhaawac ugu geeryooday isbitaalka magaalada Gaalkacyo, iyagoo dalbanayay inuu cadaalad helo allaha u naxaristo Xaamud Cabdullaahi Warsame oo ku magac dheera Xaamud Wardheere iyo dhallinyaro ka horreysay oo xilli habeen ah lagu dilay Gaalkacyo.


"Waxaan ka codsaneyna mas'uuliyiinta degmada, gobolka iyo hay'adaha amniga haddii aysan xaaladda taagan waxba ka qaban karin xilka ha isaga tagaan." dibedbaxayaasha ayaa sida yiri oo u badnaa dhallinyarada Isboortiska iyo Arday.

Dhallinyarada ayaa sheegay inay wadi doonan isu soo baxyada ilaa dowladda ay ka soo bandhigeyso qorshayaal cad cad oo ammaanka magaalada Gaalkacyo wax looga qabanayo.

Hay'adaha amniga iyo mas'uuliyiinta gobolka ma jirto warbixin ka soo baxday oo looga hadlay xaaladda amniga ee magaalada Gaalkacyo iyo dilalka dhacaya oo ugu yaraan saddex dhallinyaro ah ay ku geeryoodeen toddobadyadii u dambeeyay.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]