General Ibraahim Yarow Isaaq : ciidamada xoogga dalka ma ah in ay ku milmaan arrimaha doorashada
Arbaco, October, 31, 2018 (HOL) –Iyadoo
17ka bisha November ee nagu soo foolka leh la filayo doorashada madaxweynaha
maamulka Koonfur Galbeed waxaa soo baxaya digniinno loo jeedinayo ciidamada
qalabka sida looga digayo in ay ku milmaan arrimaha siyaasada ama doorashada Koonfur
Galbeed oo ay isku hayaan musharixiin dhowr ah.
General Ibraahim Yarow Isaaq oo ah taliyaha
ciidanka xoogga dalka qeybta 60-aad ayaa saraakiisha iyo ciidamada ku amray in
aysan qeyb ka noqon arrimaha doorashada, sidaasi darteed-na qof walba looga baahan yahay
in uu guto waajibka uu leeyahay.
Taliyaha ayaa sheegay in ciidamada marnaba wax
shaqo ah ku laheyn doorashada iyo arrimaha kale ee la xiriira siyaasadda, balse
shaqadooda ay tahay sugidda ammaanka.
“Saraakiisha,
saraakiil xigeenka, iyo ciidamada waxaan amrayaa in aysan tagi karin doorashada
madaxweynaha Koonfur Galbeed, annnaga shaqadeena waxay tahay ammaanka, askargii
lagu arka isaga oo ku milmay doorashada talaabo sharciga waafaqsan ayaa laga
qaadi doonaa”. ayuu yiri General Ibraahim.
Waxaa soconaya loolan adag oo ka dhaxeeya
musharixiin dhowr ah oo u taagan xilka madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed,
waxaana dhinaca kale soo baxaya eedeymo loo jeedinayo dowladda oo la xiriira
fara-galin la sheegay in ay ku heyso arrimaha doorashada.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]