Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Camey: Go’aamaadii ka soo baxay shirkii Garoowe waa riyo aan suurtagal ahayn
Talaado, October, 30, 2018 (HOL) – Madaxweyne ku-xigeenka Puntland,Cabdixakiin Xaaji Cumar
Camey ayaa ka hor yimid qodobbadii ka soo baxay shirkii madaxda
maamul-gobolleedyada ee lagu soo gabagabeeyay magaalada Garoowe.
“Go’aamaadasi waxaan u arkaa riyo
maalmeed aan suuragal ahayn, qof kastoo Soomaali ah wuu la yaabay, iyagana uma
aha suuragal, dalkana suuragal kama aha, khaladka waa loo wada jeedaa wuxuu
ahaa go’aan aan laga fiirsan.”ayuu yiri madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo la
hadlay idaacadda maxalliga ah Kulmiye ee magaalada Muqdisho.
Waxa uu ku eedeyay hoggaamiyayaasha
dowlad-gobolleedyada in ay sabab u yihiin khilaafka kala dhaxeeya dowladda
Federaalka, isagoo dhanka kalana soo dhaweeyay go’aankii uu qaatay madaxa
xakuumadda Galmudug, kaaso isna ka soo horjeestay qodobbada shirka Garoowe.
“Waxaan si weyn u boggaadinayaa
saaxiibkay Sheekh Axmed Shakiir oo talaabo muhiim ah qaaday.. Waxaan ku
baaqayaa in wax kasta lagu xalliyo wadahadal.” ayuu yiri Camey oo sidoo
kale soo dhaweeyay saraakiishii ka hor yimid shirkii Garoowe ee madaxweyne
Gaas uu xilka ka qaaday iyo Culimada Puntland.
Camey ayaa sidan oo kale uga soo
horjeestay shirkii maamul-gobolleedyada ee Kismaayo , iyadoo hadalkiisan uu kor
u qaadayo ismarin-waaga u dhaxeeya dowladda federaalka iyo
dowlad-gobolleedyada.
Iman Mohamed Jama, Hiiraan
Online
[email protected]