Kalkaaliye caafimaad oo ku eedeysan in uu dilay 100 bukaan ah
Talaado, October, 30, 2018 (HOL) -Nin kalkaaliye caafimaad horay uga ahaan jirtay dalka Jarmalka
oo lagu eedeeyay in uu dilay 100 ruux oo bukaan ah ayaa hortagi doona maxkamad
ku taallamagaalada Oldenburg ee dhanka
waqooyiga ku taalla.
Baareyaasha
ayaa
sheegay in Niels Hoegel oo 41 jir ah uu dawooyin ka badan qiyaastii
dadka loo qoray uu siin jiray bukaannada oo ku jiray isbitaallada
Jarmalka.
Waxay sheegeen in
ujeedadiisu ay ahayd in uu ka cajibiyo shaqaalihii ay isla shaqaynayeen uuna
iska dhigo in uu badbaadinayo bukaannada uu laayay.
Hoegel ayaa haddaba
xabsi ugu jira in uu dilay bukaanno ay ahayd in uu baxnaaniyo.
Dacwadan u dambaysay
ayaa la filayaa in ay socoto ilaa bisha May, waxayna daba socotaa maydad la soo
qufay oo laga helay in ay ku sumoobeen dawooyin laga tan badiyay.
Hoegel ayaa hadda la
sheegay in uu dilay 36 bukaan ah oo ku sugnaa Oldenburg iyo 64 kale oo ku
sugnaa Delmenhorst oo aan ka fogayn, arrintaasina ay dhacday intii u dhaxaysay 1999
ilaa 2005.
Wariyaha BBC Jenny
Hill ku sugan Berlin ayaa shegaysa in arrintan ay xasaasi ka dhex tahay
masuuliyiinta caafimaadka ee Jarmalka, kuwaas oo qaraabada dadka dhintay ay
ku eedaynayaan in ay indhaha ka daboosheen dilalka uu gaysanayay Hoegel.
Haddii lagu helo in
dadkaas oo dhan uu laayay, wuxuu noqon doonaa ninkii dilkii ugu badnaa ka
gaysta jarmalka dagaalladii ka dib.
Baareyaashu waxay
sheegayaan in ay macquul tahay in uu dilay dad intaas ka badan, balse dadka ay
u badan tahay in ay arrintaas u dhinteen ayaa diiradda la saarayaa.
"Waxaan rajaynayaa in
dambi kaste lagu helo, si dadkii ay eheladoodu dhinteen hawshu uga soo
afjaranto,” ayuu yiri Petra Klein oo isku duba rida koox caawisa dhibaneyaasha.
Qaraabada dadkii la
sheegay in la laayay ayaa la filayaa in ay yimaadaan maxkamadda.
Hoegel
ayaa markii u horraysay la qabtay 2005 isaga oo bukaan ku duray irbad aan
dakhtar qorin. Sannadkii 2008 ayaana lagu xukumay toddobo sano oo uu ku
mutaystay isku day dil.
Maxkamad labaad oo
la saaray 2014-2015 ayaa ku heshay in uu labo ruux dilay labo kalana isku dayay
in uu dilo, waxaana lagu xukumay xabsi daa’in.
Wuxuu sheegay “in
run ahaantii uu ka xun yahay” uuna rajaynayo in qoysaska uu qalbigu u qaboobo. Wuxuu
sheegay in go’aanka uu dambiyadaas ku galay ay ahaayeen “kuwo aan sii
qorshaysnayn”. Intii maxkamadayntu socotay ayuuna qirtay in uu soddon bukaan
dilay.
Baareyaasha ayaa
markaas ballaariyay baaritaannadooda waxayna soo qufeen maydadka 130 bukaan oo
uu horay u daaweeyay, iyaga oo eegaya in uu adeegsaday dawooyin keeni kara in
wadnuhu istaago. Waxay sidoo kale baaritaan dib ugu sameeyeen diiwaannadii isbitaalka.
Xigasho BBC