4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 29, 2018
Ra'iisul wasaaraha Itoobiya oo gaaray Faransiiska

Isniin, October, 29, 2018 (HOL) - Ra'iisul wasaaraha dalka Itoobiya, Abiy Axmed ayaa gaaray magaalada Paris ee xarunta dalka Faransiiska, halka waxaa uga billaabatay booqasho uu ku marayo dalal ka tirsan qaaradda Yurub.

Abiy oo ay waheliyaan wasiirka arrimaha dibadda iyo mas'uuliyiin kale ayaa inta uu ku suganyahay Paris waxaa uu kulan la qaadan doonaa madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron oo ay ka wada hadli doonaan arrimo quseeya xiriirka Itoobiya iyo Faransiiska, iyo siddii xukuumadda Paris ay u xoojin lahayd maalgashiga Itoobiya,sida ay ku warrantay warbaahinta Fana ee dalka Itoobiya.

Ra'iisul wasaaraha Itoobiya, ayaa lugta labaad ee socdalkiisa Yurub waxa uu ku tagi doonaa dalka Jarmalka, halka waxa la sheegay inuu kulan gaar ah kula qaadan doono hoggaamiyaha Jarmalka, Anegla Merkel.

Waxaa sidoo kale Abiy Axmed, booqashadiisa qayb ka ah inuu kulan la qaato in ka badan 25,000 oo ganacsato kasoo jeeda dalalka Yurub oo uu kala hadli doono maalgashiga Itoobiya.

Gabagabadii, socdaalka ra'iisul wasaaraha Itoobiya oo loogu magac-daray 'Wadajir aan ku dhisno mustaqbalka' ayaa ka dambeeyay kaddib casuumad uu ka helay qaar ka mid ah hoggaamiyayaasha dalalka Yurub gaar ahaanna kuwa daneeya arrimaha dalka bariga Afrika ku yaalla ee Itoobiya.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]