4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 29, 2018
Ciidammo Itoobiyaan ah oo qarax lagula eegtay duleedka Beledweyne

Isniin, October, 29, 2018 (HOL) - Kolonyo ciidammo Itoobiyaan ah ayaa qarax lala beegsaday xilli ay marayeen deegaanka Ceel Gaal oo qiyaastii 15 km bari kaga beegan magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Dadka deegaanka ayaa sheegay inay maqleen qarax isla markaana ay arkeen qiiq iyo uuro hawada isku shareertay, wararka ayaa intaa ku daraya in ciidamadda Itoobiya ee qaraxa lala beegsaday ay ku sii jeedeen dhanka xudduudka Feerfeer, kuwaasoo ka baxay magaalada Beledweyn.

Ilaa iyo hadda ma jirto faahfaahin laga helay qaraxa, waxaana loo malaynayaa inuu ahaa nooca waddooyinka hareerahooda la galiyo ee meelaha fogfog laga hago.

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay mas'uuliyada qaraxa,warka kooxda ka soo baxay ayaa inta ku daray in qaraxaasi lagu dilay soddon askari,balse ma jirto war madax bannaan oo xaqiijinaya sheegashada al-Shabaab, hase yeeshee dadka deegaanka ayaa sheegay inaanay garan karin khasaaraha gaaray ciidanka maaddaama aan loo dhawaan karin aaga qaraxu ka dhacay oo ay ciidammadu xireen.

Ciidammada Itoobiya oo qayb ka ah howlgalka AMISOM ayaa ku sugan gobolka Hiiraan, waxaa ay saldhig ku leeyihiin Buurta Janta-Kundishe ee agagaarka magaalada Beledweyn.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]